Xeerka Anshaxa Shirkadaha/Adeeg-bixiyaha ee World Vision

Xeerka Anshaxa Shirkadaha/Adeeg-bixiyaha ee World Vision

Wax ka bedelkii ugu dambeeyay - Sebtembar 2022

Nuqulka 3.0

World Vision International (WVI) waxa si aad ah uga go'an inay ilaaliso heerarka anshaxa iyo qiyamka ee ugu sarreeya dhammaan hawlaheeda wax iibsiga. Xeerkan Anshaxu waxa uu bixinayaa mabaadi' iyo hab-dhaqanno ku saabsan gudashada ganacsigeenna ee maalinlaha ah, kaas oo hubinaya in la raacayo xeerarka wax iibsiga caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, iyo anshaxa iyo hab-dhaqannada ganacsi ee wanaagsan. Si loo xaqiijiyo in World Vision / VisionFund, iyo mid kasta oo ka mid ah hay'adahooda la shaqeeya (WV/VF), ay yihiin qaar u hoggaansan deeq-bixiyayaasha, waxaan u hoggaansami doonaa shuruudaha wax soo iibsiga ee deeq-bixiyeyaasha, meelaha ay khuseyso. Sidaa darteed, WV/VF waxay ka filaysaa shirkadaheeda, qandaraaslayaasheeda, iyo qandaraaslayaal-hoosaadkeeda la shaqeeya inay saxiixaan Xeerka Anshaxa, iyagoo qiraya aqballida inay u hoggaansami doonaan mabaadi'da halkan ku xusan.

WV/VF waxay ka filaysaa shirkadaha/adeeg-bixiyayaasha la shaqeeya inay:

1)      Ku dadaalaan inay horumariyaan qiimaha lacagta

a)       Si firfircoon ugu dadaasho inaad muujiso oo aad wanaajiso natiijooyinka, iyo inaad dhinto kharashaadka inta lagu guda jiro Heshiishka Wadashaqeynta, iyo/ama Amarada Iibsiga.

b)       Qiimaha waa inuu si ku habboon oo daacad ah ugu dhigmo shuruudaha iyo khataraha. 

2)      U dhaqmaan si xirfad iyo daacadnimo leh –

a)       Inaad daacad iyo waaqici ka noqoto kartida iyo awoodda aad leedahay marka aad wax codsanayso.

b)       World Vision waxa ay ka filaysaa in shirkadaheeda la shaqeeyo ay ku dhiirigeliyaan oo ay la shaqeeyaan shirkadahooda/adeeg-bixiyayaashooda la shaqeeya ee u gaarka ah iyo qandaraaslayaal-hoosaadkooda si ay u hubiyaan in ay ku dadaalaan buuxinta mabaadi'da Xeerka Anshaxa, oo ay awoodna u yeeshaan inay muujiyaan tan marka loo baahdo.

c)       Inay u dhaqmaan qaab taageeraya horumarinta xidhiidh ganacsi oo xirfad iyo anshax ay ku dheehan tahay oo lala yeesho WV/VF.

d)       Inay muujiyaan go'aan cad oo firfircooni leh oo ku aaddan Mas'uuliyadda Bulsho ee Shirkadda.

3)      Qaataan Mas'uuliyadda –

a)       Isticmaal qaab-dhismeedyada qiimaha kuwaaso si toos ah iskugu xidhaya lacag bixinta iyo natiijooyinka, kana turjumaya wadaagista isku dheeli tiranka khatarta waxqabadyada.

b)       Inaad filato in lagula xisaabtami doono natiijooyinka lama filaanka ah, oo aad qaadato mas'uuliyadda doorkooda, oo ay ku jirto daacadnimada marka ay wax qaldamaan si casharro looga barto.

4)      Inaad la shaqeeyso WV/VF –

a)       Inaad diyaar u tahay inaad ka shaqeeyso dhammaan xafiisyada WV/VF, oo ay ku jiraan meelaha jilicsan iyo meelaha ay colaaduhu saameeyeen.

b)       La wadaagto oo aad u wareejiso hal-abuurnimada iyo aqoonta hababka ugu wanaagsan si loo kordhiyo saameynta guud ee horumarka.

5)      Inaad ogolaato inaad ka fogaato Iska-horimaad kasta oo Danaha ah

Shirkadda ama Qandaraaslaha waxay uu xaqiijinayaa inaysan lahayn xiriir, iskaashi ganacsi, ku lug lahaansho, wadashaqeyn, boos, dano dhaqaale, oo aysan ka helin wax hadiyad ah, amaah/deyn ah, ama aysan la gelin wax macaamil ganacsi ah oo kale taas oo u baahan in la sheego sida uu qabo Siyaasadda Iska-horimaadka Dahana ee World Vision ama VisionFun.

6)      Inaad dhowrto Heshiisyada Caalamiga ah ee Shaqada iyo sharciyada shaqada ee khuseeya.

 

Bogga. 1                                                                       Xarfaha ugu Horreeya ee Magacaaga _______________________________

 

7)      Inaad leedahay Siyaasad Deegaan oo xooggan

a)       WV/VF waxay ka rajanaysaa shirkadaheeda/adeeg-bixiyayaasheeda la shaqeeya inay yeeshaan siyaasad deegaan oo wax ku ool ah oo ayna u hoggaansamaan sharciyada iyo xeerarka jira si loo ilaaliyo deegaanka.

 

Xeerka Anshaxa Shirkadaha/Adeeg-bixiyaha ee WV - Bayaanka Aqbalidda

 

Saxiixayga hoose waxa uu xaqiijinayaa in aniga/annaga/ ka shirkad ahaan, aan akhrinnay, aan si buuxda u fahamnay oo aan u aqbalayno mabaadi'da Xeerka Anshaxa Shirkadaha/Adeeg-bixiyaha ee World Vision ee kor ku xusan, sida loogu baahdo. Waxaan fahamsanahay in tallaabo kasta oo aanan waafaqsanayn Xeerkan Anshaxa Shirkadaha/Adeeg-bixiyaha in ay keeni karto joojinta xiriirka ganacsi ee World Vision.

 

_________________________________________________                      ________________________________________

Qor Magaca iyo Darajada Shaqada ee Qofka                        Saxiixa

Matalaya Shirkadda / Adeeg-bixiyaha           

 

__________________________________________                                      ________________________________________

Magaca Shirkadda / Adeeg-bixiyaha                                           Taariikhda

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bogga. 2                                                                                                                 Xarfaha ugu Horreeya ee Magacaaga ________