Somali Xeerka Anshaxa Shirkadaha/Adeeg-bixiyaha ee World Vision

Download
inclusion
Monday, October 23, 2023

World Vision International (WVI) waxa si aad ah uga go'an inay ilaaliso heerarka anshaxa iyo qiyamka ee ugu sarreeya dhammaan hawlaheeda wax iibsiga. Xeerkan Anshaxu waxa uu bixinayaa mabaadi' iyo hab-dhaqanno ku saabsan gudashada ganacsigeenna ee maalinlaha ah, kaas oo hubinaya in la raacayo xeerarka wax iibsiga caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, iyo anshaxa iyo habdhaqannada ganacsi ee wanaagsan. Si loo xaqiijiyo in World Vision / VisionFund, iyo mid kasta oo ka mid ah hay'adahooda la shaqeeya (WV/VF), ay yihiin qaar u hoggaansan deeq-bixiyayaasha, waxaan u hoggaansami doonaa shuruudaha wax soo iibsiga ee deeq-bixiyeyaasha, meelaha ay khuseyso. Sidaa darteed, WV/VF waxay ka filaysaa shirkadaheeda, qandaraaslayaasheeda, iyo qandaraaslayaalhoosaadkeeda la shaqeeya inay saxiixaan Xeerka Anshaxa, iyagoo qiraya aqballida inay u hoggaansami doonaan mabaadi'da halkan ku xusan.